Wasiirkii Waxbarashad Jubaland Marxuun Macalin Maxamed o Aas Weyn loogu Sameeyay Magaalada Kismaayo.

0
160

Tan iyo markuu geeriyooday Wasiirkii hore ee Waxbarashada Jubaland Macalin Maxamed Ibraahim Arbacdii la soo dhaafay, 6dii May 2020, waxaa Socday Dadaalo badan o looga soo qaadaayo meydka marxuunka  Dalka India    oo uu hor kacayay Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Soomaaliya Mudane Maxamed Salaad Omaar.

Isku xir-xir dheer iyo dadaalada Diplomaasiyeed iyo baratakool ee wasiir Omaar waxaa Meeydka marxuunka la soo gaarsiiyay shalay barqinkii magaalada Moqdisho.

Saakay Subaxii ayuu Wasiir Omaar ku soo sagootiyay Maydka Marxuunka Garoonka Aden Cabdulle International Airport ayadoo eey soo galbiyeen masuuliyiin hore iyo kuwa dowada dhexe ka tirsan oo uu ka mid yahay Xil. Cabdiwahaab, Xil. Rashid Gabiyow, Xil. Xamsa, Xil. Mowliid iyo kuwo kale.

Ugu dambeyn meydka marxuunka waxaa lagu aasay xabaalaha Kismayo ayado ey ka soo qeyb galeen dad weynaha reer Kismaayo iyo maamulkii hore ee Jubaland halkaas oo janaaso weyn loogu tukaday.

Marxuunka Eebe ha u naxariisto Janadii fardowsana ka waraabiyo.

_____________________________

 

Warbaahinta @Buaale Online

Ali Abdi.

Kismaayo, Soomaalia

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.