Wasiirka Wax barashada Jubaland Macalin Maxamed oo ku geeriyooday Wadanka Hindiya

0
94

 Arbaco,06, May 2020  Xalay fiidkii ayuu wasiirka Wax barashada Jubaland Mudane macalin maxamed Ibrahim ku geeriyooday wadanka Hindiya.  Marxuunka ayaa in mudo ah ku xanuunsanaa cisbitaal ku yaalo dalkaas Hindiya. Allaha u raxmado marxuunka.

Wiilka uu dhalay marxuunka oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Ibrahim oo la joogay ayaa noo xaqiijiyay geerida marxuunka.

Soomaali badan oo macalinka aqoon u laheed ayaa dareenkooda ka muujiyay dhamaan warbaahinta Soomaalida iyo baraha bulshada iyagoo ka tacsiyeynayo geerida ku timid wasiirka.

Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka e Dowlada Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo ugu horeeyay dadkii ka tacsiyeeyay ayaa Bartiisa Facebook ga ka soo muuqday daqiiqado ka dib gerida ( eeg muuqaalka hoose ).

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyoow ayaa isna Bartiisa Twitter ka sidaan ku qoray.

Dr. Abdurahman Baadiyow

@DrBaadiyow 16h Macalin Maxamed, Wasiirkii Waxbarashada Jubaland, Sheikh, nabadoon iyo samafale ayaa ku geeriyooday India. Waxaan uga tacsiyeenayaa ahalka, qaraabada, xarakada Islaax, Md Axmed Madoobe, reer Jubaland iyo shacabka Somaaluyeed. Ilaahey ha unaxariisto, jannadana haka waraabiyo.

Waxaa socoto qabanqaabo meeydka  wasiirka  looga  soo  duulinayo dalka Hindiya lana keenayo wadanka. Qabanqaabadan oo uu hormuud ka yahay wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaat omaar ayaa lagu wadaa in maalinta bari ah meeydka marxuunka la soo gaarsiiyo magaalada Muqadishu.

mar aan la hadalnay wasiir Omaar ayaa waxuu noo sheegay in uu ka xunyahay geerida wasiirka, iyadoo duulimaadyada caalamka kala xirxiranyahiina ku dadaali doono siduu ku soo duulin lahaa meeydka waxwalbo haku qaadatee.

Wasiir Omaar iyo marxuunka ayaa labadoodaba ka soo wada jeeda Jubaland gaar ahaan Buaale, Jubada dhexe.

Bahda warbaahinta  Buaale Online ayaa dhamaantood iyana ka tacsiyeynaya geerida wasiir macalin Maxamed.

ALLAHA U NAXARIISTO MARXUUNKA

Cali Cabdi Xaashi

@BUAALEONLINE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.