Waa Kuma Musharax Xassan Cabdinuur Celmi ( Xassan-Kaafi )

0
67
Mudane Xassan Cabdinuur Celmi oo ku magac dheer Xassan-Kaafi waa nin dhalinyaro aqoon yahan ka soo jeedo deegaanada Galmudug gaar Cabudwaaq. Waxuu wax ku soo bartay dalka Gudahiisa iyo dibadiisa kuna qaatay wax barashadiisa sare dalka Mareekanka o uu mudo ku noolaa.
Sanadahii u dambeeyay waxuu ganacsi iyo mail gashi ka sameeyay wadanka gudahiisa waxuuna si xoog iyo firfircooni oog soo dhex muuqday bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinta iyo deegaanka u ka soo jeedo asagoo si toos iyo si dadbanba ooga qeyb qaatay hormarka dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo isku xirka bulshada.
Mudane Xassan Kaafi oo booqasho u kuur galida xaalada deegaanada Cabudwaaq maalmahii la soo dhaaafay ayaa xaflad eey soo agaasiimeen bulshada qeeybaheeda kala duwan ayey ugu caleema saareen inuu u noqdo Musharaxiooda ku matali doono kursiga Golaha Shacabka ee Dowlada Federaalka e Soomaaliya.
Mudane Xassan Kaafi ayaa ah shaqsiga loo gaartay inu ku haboon yahay matalaada bulshadiisa.
@Buaaleonline.com Team

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.