Waa kuma Mudane Cabdiraxaan Xassan Salaad ( Indhacade ) Musharaxa Xildhibaanka Dowlad Goboleedka Konfur Galbeed -Deg. Yeed.

0
127

Mudane Cabdiraxaan Xassan Salaad oo loo yaqaano Indhacade waa nin dhalinyar

Mudane Cabdiraxaan Xassan Salaad oo loo yaqaano Indhacade waa nin dhalinyar aqoon yahan ah oo wax ku bartay Dagmada Baareey ee Gobalka Afdheer oo uu ku soo dhameystay waxbarashadiisii dugsiyadda sare , Mudane Indhacade wuxuu ku dhashay dagamada Yeed sanadkii 1985.

Mudane indhacade waxuu la soo shaqeeyay hayado kala duwan oo maxali iyo kuwo dowladeed labadaba. Waxuu ahaa Taliyaha Nabadsugida hayada sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA, gaar ahaan Dagmooyinka xuduudaha ah ee Gobolka Bakool,Ceelbarde, Yeed iyo Aato, sanadahii 2015kii ilaa 2019, wuxuu ka mid ahaa ergadii soo dhistay maamulka koonfur galbeed soona qoray kana Qayb qaadatay “Qabyo qoraalka dastuurka koonfur Galbeed”. Sanadahii 2008 ilaa 2009 waxuu ahaa madaxa amniga ee Dahmada Yeed gobalka Bakool, sanadahii 2010 – 2011, wuxuu sidoo kale Team leader ka ahaa hayada    IFECO oo wada shaqeyn la lahayd hayada sanduuqa caruurta iyo dhalaanka ee qaramada midoobay, UNICEF

Mudane Cabdiraxaan Xassan Salaad ( Indhacade ) wuxuu iminka musharax u yahay xildhaanka dowlad deegaanka Koonfur galbeed ee dagmada Yeed gobalka Bakool.

 

Buaaleonline Admin

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.