Golaha Isbadal-Doonka Jubaland oo ku dhagan James Swan iyo UNSOM

0
132

Golaha Isbadal doonka Jubaland ( Jubaland Council for Change –

JCC ) oo ah gola ey ku mideysan yahiin dhamaan 32 qabiil ee dega jubooyinka una taagnaa isbadal dowladnimo iyo cadaalad ka dhacdo Jubaland, Waxaana hogaaminyay aqoonyahniin iyo shacabkii rasmiga ahaa ee ka soo jeedo 15ka dagmo ee Jubooyinka.

Golahan oo ahaa golahii culeyska ugu weyna ku hayay Axmed Madobe ka hor iyo ka diba doorashadii August 2019.

Golaha ayaa si weyn uga soo horjeeday wada hadaladii Ahmed Madoobe, Seraar iyo Xidig ee dalka Kenya ka dhacay taaso soo bilowday bishii December ee sanadkii hore iyo heshiiskoodii 23kii April 2020.

Wareeysi dheer oo uu baxiyay Afhayeenka Golaha Dr. LIIBAAN MAXAMED COLOOW 20kii Bishii April 2020 oo uu siiyay TVga Horn cable ayuu ku cadeeyay ineynaan Seraaar iyo Xidig Golaha Isbadal doonka ka mid ahayn matali Karina Golaha.

Golaha ayaa warqad ka dhan ah ergeyga Gaarka ee Qaramada Midowbay Mr. James Swan u gudbiyay golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay taariikhdu markeey ahayd April 27, 2019. Warqadan ka dhanka ah Swan ayaa si weyn oga hortimid warsaxaafadeedkii u ku taageeray heshiiskii sedexdaa nin ee Seraar,  Xidig iyo Madobe.

nuqul ka mid ah waraaqdaa oo tixraaceedu ahaa Ref. SOM/JCC/12/2020 ayaa lagu yiri “James Swan waxuu ka been sheegay Golaha Isbadal doonka ( JCC ) si ula kac ah, ujeedo gaar ahna uu ka lahaa warsaxaafadeedkiisa ku taageeray markuu ku tilmaamay private dealka dib u heshiisiin”

Dr. Liibaan Colow. Afhayeenka Golaha Isbadal-ddonka Jubaland

Warqada oo si toos ah ugu socotay Madaxweyenaha Golaha Amaanka ayaa tiri sidan ” Swan uma qalmo inuu matalo xafiiska QM, kuna habooneyn shaqada loo edmaday, lagamana doonaayo Jubaland iyo Soomaaliya guud ahaan “.

Afhayeenka Golaha Isbadal doonka oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in golaha sidiisii uu u dhisanyahay, hadafkii loo aasaasayna waxba iska badalin,  doorasho xor ah iyo maamul shacabka reer Jubaland wada leeyahiina la dhisi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.