Arooskii Ugu Shidnaa oo abid ka dhaco Gaarisa, Gobalka Waqooyi Bari ee Kenya.

0
17

SNIIN, MOGADISHU, SOMALIA:   waxaa maalintii shalay aheed, Acadia taariikhdana ku  beegneed 30kii Agoosto Aroos si weyn loo soo agaasiimay ka dhacay Magaalo madaxda gobalka waqooyi Bari, Kenya ee Gaarisa.

Waxaa reerkaan cusub yagleelay caruuska iyo caruusada kala ahi, Mudane Axmed Haadi Siyaad iyo Marwo Abyan Maxamed. Mudane Haadi oo ah 36 jir ganacsade in badan ku noolaa magaalada London ee cariga Ingriiska ayey ku qaadatay bilo agaasinka iyo qaban qaabada arooska Marwo Abyan.
Labadaan lamaane ayaa jacelkoodii soo socday Sanado badan ku soo gunaanaday halkii eey hiigsanayeen.
Xaflada arooska iyo Maherka o ka wada dhacay isla magaalada Gaarisa ayaa waxaa ka soo qeeyb galay masuuliyiin iyo qeeybaha kala duwan ee bulshada, waxaa kaloo xusid mudan masuuliyiin kaloo badan kaga qeyb galeen xaflada dhinaca talefoonka kuwaas oo kala joogay magaalooyinka Mogadishu,  Hargeisa,  Bossaso,  Adisababa,  Jigjiga, Istanbuul,  London iyo Doha.
Waxaa caruuska iyo caruusada tahniyado aan la soo koobi karin hawada u soo marinayo masuuliyiin eey ka mid yahiin shaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan xafiisyada Madaxtooyada,  xafiska Raisal Wasaaraha iyo Raisal Wasaare ku Xigeenka,  wasaarada Ganacsiga,  wasaarada Duulist Hawada iyo Gaadiidka,  wasaarada dhalinyarada iyo shaqaalaha iyo qeeybaha kala duwan ee Warbaahinta magaalada Mogadishu.
Dhamaan dadkaas ayaa waxeey u rajeyneynaa Haadi iyo Abyan arooskooda kii noqdo wada-jiree nabad gala, Allana ka yeelo qoys lagu nasto soona saaro unbad wax taro maanta iyo maalinka dambe ee Aaqiro.
Miski Hudoon.
@Buaale Media Group

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.